Madaxweynaha Hirshabelle oo kulamo la qaatay Oday dhameedyo iyo Guddiga Xalalka Waara

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka jawiil, isagoo kala hadlayay dar-dar galinta arrimaha Dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan, iyo in odayaasha iyo waxgaradka ay ka shaqeeyaan xoojinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Jawiil ayaa uga xogwaramay Madaxweynaha xaalada nololeed ee shacabka ku nool deegaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaankaa mashaariic horumarineed.

Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Maamulada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ku howlan dar-dar galinta Barnaamijka Dhab u heshiisiinta Guud ahaan Deegaannada Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Guddiga Xalalka Waara ee Heerka wasiir iyo Guddiga Ganacsatada Beledweyne, isagoo kala hadlay dar-dargalinta Howlaha Ka hortaga Fatahaadaha, waxaana madaxweynaha uu guddigu amray si deg deg ah in loo fuliyo Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Hirshabelle Jaamac Xuseen Jama Hashi, oo si faah faahsan kaga hadlay qorshaha la xiriira fulinta Mashruuca Biyo Xireenka, Sidoo kale ingineerada ka shaqeynaya fulinta mashruucani, ayaa shirka ku soo bandhigay sida ay u diyaariyeen Howlaha farsamada ee la xiriira Biya Xireenka.

Magaalada Beledweyne ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa joogta ka noqday fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle waxaana shacabka ku nool magaaladaas qasab ku noqotay inay ka barakacaan guryaha ay ku noolaayeen.