Saameynta Qatar iyo Doorashada Soomaaliya (Safiir Hamza oo kulamo bilaabay)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Asad oo ah Safiir idman oo awood badan leh.

Kulankan ayaa ka dhacay Xafiiska Guddoomiye Mursal, iyadoo looga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo Golaha Shacabka uu hor-yaalo nidaamka doorashada ee ay dhowaan soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

“Waxaa Maanta Xafiiskeyga Ku Qaabilay Xasan Bin Xamsa Safiirka Dowlada Qatar u Fadhiya Soomaliya, Waxan Ka Wada Hadalnay Arrimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka Dalka”ayuu yiri Guddoomiye Mursal oo qoraal kooban ka soo qoray kulanka.

Safiirka Qatar ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la lahaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadda ee dalka, isagoo kala hadlayay doorashada iyo arrimo kale.

Dowladda Qatar oo si weyn u taageerta madaxda dowladda Federaalka ayaa dhinaca kale muddooyinkii danbe waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana safiirka Qatar socdaal ku tegay magaalada Kismaayo, iyadoo dhowaan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu booqday dalkaasi.

Saameynta Qatar ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa la dareemi jiray marka uu soo dhowaado xilliga doorashada, iyadoo taageero dhaqaale siin jirtay Musharaxa ay u aragto inuu xooggan yahay ololihiisa doorashada.

Hase ahaatee xilligan oo dowladda Qatar saameyn badan ku leedahay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka uu yahay mid aad u xooggan waxaa loo arkaa in doorashadan uga duwanaan doonto kuwii hore oo ay dibadda  ka joogtay, balse haatan xerada ayay ku jiraan.

Qatar ayaa la saadaalinayaa inay kaga saameyn badnaan doorashada Soomaaliya Imaaraadka Carabta oo la xusuusto saameyntii uu ku lahaa doorashadii 2017, isla markaana dhowr Musharax oo kala duwan taageerayay

Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa saadaalinaya in saameynta Qatar ku yeelan doonto doorashada soo socota ay noqon doonto mid dhinacyo badan leh, marka loo eego xaalada siyaasadeed ee uu dalka ku jiro iyo Qatar oo dooneysa inay doorar kala duwan ciyaarto.