Ciidamo Boolis ah oo qarax miino lagula eegtay Muqdisho

Ciidamo Boolis ah ayaa goor dhow qarax miino lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodan.

Gaariga ay ciidanka Booliska wateen ayaa qaraxa uu haleelay, markii miino la geliyay waddo jid cade ah lala beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac uu sababay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo boolis ah oo gurmad u fidiyay askarta qaraxa lala eegtay.

Xaafado ka tirsan degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ayaa dhowr jeer oo hore qaraxyo miino lagula eegtay Ciidamada.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii qarax miino lala eegtay gaari uu la socday Taliye kuxigeenkii hore ee xoogga dalka Jen. Bariise, waxaana qaraxaas ku dhintay dad shacab ah oo mooto bajaaj saarnaa oo ay ku jirtay hooyo iyo wiil ay dhashay.