Dil toogasho oo lagu xukumay Askari 2000 Sh/So u dilay Oday waayeel ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidanka Booliska, kaasoo bishii hore dilay oday waayeel ah oo goob ganacsi ku lahaa Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab.

Askarigan ayaa si bareer ah u dilay odayga waayeelka ugu dilay goobtiisa ganacsi, kaddib muran ka dhashay  labo kun shilin soomaali uu kaga iibsan lahaa Sigaar

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa askarigan ku soo oogtay dacwad ah inuu si bareer ah u dilay odayga waayeelka ee ganacsanayay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo xukunka riday ayaa sheegay in Dable Boolis Nuur Daahir Geeddi oo ka tirsan Saldhigga Booliska degmada Shingaani oo 16-kii bishii hore ee June ku dilay isgoyska Ceelgaabta oday goob yar oo ganacsi kulaha isgoyska, waxaana uu sheegay in askarigaas Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah.

Dhacdadii bishii hore ka dhacday Isgoyska Ceelgaabta ayaa dad badan naxdin iyo uur-kutaalo ka muujiyeen in oday goob yar oo ganacsi lahaa in loo dilay labo kun shiling soomaali, waxaana dadweyne ku sugnaa goobta ay si geesinimo leh ugu xoomeen askariga dilka geystay, kadibna ay gacan geliyeen ciidamo wadada marayay oo mas’uuliyiin la socday, kuwaasoo iyana suura geliyay inay Saldhigga Booliska Xamar Jajab geeyaan.