Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabele magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle ee halkaas ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada oo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Waare ayaa ku tegey magaalada Dhuusamareeb diyaarad helikabtar ah oo ay qaramada midoobay leedahay, waana madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara magaalada Dhuusamareeb ee ka qeybgalaya shirka madaxda dowlad goboleedyada.

Ammaanka guud ee Caasimadda Galmudug ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo ay gaareen ciidamo ka socda Hirshabelle kuwaasoo ka tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.