Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay duleedka Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah dil wadareed xalay ka dhacay Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho iyadoo afar ruux ay ku dhinteen shan kalana ku dhaawacmeen.

Dadka la diley iyo kuwa dhaawacmay oo hal qoys ka kooban ayaa dilkooda waxaa ka dambeeyay nin ku hubeysan oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowlada federalka.

Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan caruur iyo haween, waxaana baxsaday ninkii ka dambeeyay weerarkan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka dilka ka dambeeyay uu la ahaa xidid qoyska uu waxyeelada gaarsiiyay.

Falka weerarkan ayaa ah mid ay aad uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed iyadoo ay tahay dhif iyo naadir falal noocan oo kale ah inay ka dhacaan dalka Soomaaliya.