Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen oo gaaray magaalada Dhuusamareeb (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxa uu ka qeybgalayaa shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyadoo shalay uu gaaray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.