Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray magaalada Dhuusamareeb (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud iyagoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdigan oo ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa shirka ay madaxda dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeybqaatay ciidamo faro badan oo sugaya ammaanka madaxda dowlad goboleedyada.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan uu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.