Qarax ka dhacay goor dhow magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa ka dhacay goor dhow degmada Waaberi gaar ahaan wadada 21ka oktoobar ee magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay lamana oga qasaaraha ka dhashay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan lala eegtay gaari marayay meel ku dhow dugsigii hore ee 21ka Oktoobar.

Waxaa laga maqlay jugta qaraxa qeybo badan degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay qaraxan balse waxaa magaalada Muqdisho ku soo kordhayay bilihii la soo dhaafay qaraxyada ka dhasha miinooyinka dhulka lagu aaso.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo gaadiidka gurmadka deg dega ayaana gaaray goobta qaraxu ka dhacay,waxaana socda baaritaano ciidamada ku sameenayaan qaraxan goordhaw dhacay.