Bam lagu weeraray goob ganacsi magaalada Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in bam lagu weeraray xalay goob ganacsi oo ku taal bartamaha magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey labo ruux halka afar kalana ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah iyadoo la dhigey isbitaalada magaalada Kismaayo.

Qaraxyada lagu weeraro goobaha ganacsi ayaa ku soo kordhaya gudaha magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo ay xalay sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayaan ciddii ka dambeysay weerarkan.

Ciidamada Booliska ayaa ka soo qabqabtay xaafadaha magaalada Kismaayo iyagoo dadkaasina ay yihiin dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkan qaraxa ah.