Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo xabsiga la dhigey

Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska kuwaasoo loo haysto inay ku lug lahaayeen gadood ay sameeyeen ciidamo.

Saraakiisha la xirey ayaa waxaa ay kala yihiin Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal oo ay ka mid ahaayeen labadaasi Sarkaal ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay.

Illaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan xariga labadan sarkaal.

Maamulka Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday gadood ay ku kacaan ciidamada ammaanka iyagoo badanaaba ka cabanaya mushaar la’aan.