Shirka Wadatashiga Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb (Sawiro)

Shirka Wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goor dhow furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeybgalaysa shirkan ayaa haatan wada qudbadihii ay ka jeedinayeen furitaanka shirkan.

Ajandaha shirka maanta ayaa kaliya ah furitaanka khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada, kadibna waxaa loo guda geli doonaa shirar ay albaabada u xiran yihiin oo ay si gaar gaar ah iyo si guudba ay u yeelanayana wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddiyo Farsamo ay iska magacaabeen shanta maamul goboleed.