Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo geeriyooday

Allaha u naxariistii waxaa goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Xasan Abshir Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay Isbitaalka ku yaalla Turkiga.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dalka ayaa guddoomiya gobol ka soo noqday gobolka Banaadir dowladii hore ee Siyaad Barre.