Warbixin: Marxaladihii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2016 iyo Marxaladda 2020

Labadii marxaladood ee kala guurkii siyaasadeed ee dalku soo maray sanadihii 2012 iyo 2016 Madaxweynayaashii iyo Ra’iisul Wasaarayaashi xilligaas waxay isla daadihinayeen maareyntii Marxaladaha looga gudbay kala guurka.

2012 waxaa looga soo gudbay maareyntii Marxalada kala guurka Saxiixayaashii shirarkii ka dhacay Muqdisho, Garowe 1, 2 iyo Gaalkacyo, waxaa berrigaas isla jaangoynayay Marxaladahaas Madaxweynihii dowladdii KMG Shariif Sh. Axmed, C/weli Gaas Ra’iisul Wassaarihii xilligaas, Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan, Madaxweynihii hore Puntland C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin Madaxweynihii hore Galmudug, Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo ka socday Ahlusuna, waxaa xilligaas la qoray dastuurka KMG, ergooyin 700 ka badan ayaa ansixiyay 135 Oday ayaa soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka 275-ta ahaa, waxayna soo doorteen Guddoon Baarlamaan iyo Madaxweyne, waxaana dhashay dowlad rasmi ah Kumeel gaarkiina dalka waa uu ka baxay.

2016 marxaladii kala guurka ee xilligaas ayaa waxaa isla waday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarihiisii Cumar C/rashiid iyo Madaxda 5 Maamul Goboleed Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo aheyd maamulkii u dambeeyay ee dhisma, waxaana la sameeyay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (NLF) oo ay ku mideysnaayeen Madaxda dowladda Federaalka iyo Kuwii Dowlad goboleedyada shirar dhowr jeer oo ka dhacay Muqdisho, Baydhabo Garowe iyo Kismaayo si wadar ogol la isugu raacay daadihinta marxalada kala guurka, waxaana ka soo baxday doorasho Dadban.

Marxaladda 2020

Marxaladda kala guurka 2020 way ka duwan tahay kuwii horay loo soo maray, inkastoo aysan jirin jawi sax ah oo la isla ogolyahay si marxaladda kala guurka ah loo guda galo haddana waxaa bilowday shirar looga arrinsanaayo maareynta kala guurka.

Kaddib markii uu ku dhowaad 2 sano qabsoomi waayay shirkii DFS iyo Dowlad goboleedyada, dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid shirar uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kii u dambeeyay uu ahaa 5 July oo Madaxweynuhu ku casuumay madaxda dowlad Goboleedyada inay isugu yimaadaan Muqdisho, balse khilaafaad, kala shaki iyo is aaminid la’aan ayaa sabab u ahaa inuu qabsoomi waayo shirkaas.

6 July wada hadalo khadka taleefanka ku dhex maray Madaxda dowlad Goboleedyada waxay isku raaceen inay shir isugu yimaadaan, waxaana gogosha dhigtay Galmudug, iyadoo si rasmi ah Dhuusamareeb uga bilowday shirka wadatashiga DXDF shirkaas oo looga arinsanaayo maareynta marxalada kala guurka. Dabcan shirkan uma wada dhamo dhammaan garabyaddii ay khusaysay marxalada kala guurka sida dowladda dhaxe, balse waxaa muuqato in garabkii ugu muhiimsana ee dowlad goboleedyada ay sii xaareen gogoshii looga arinsan lahaay marxaladda kala guurka.

Marxaladda kala guurka 2020 waxaa ku cusub saddex qodob

1- Jawiga kala guurka waxaa majaraha u heyn jiray madaxda ugu sareyso dalka, hase ahaatee waxaa hadda muuqato in dowlad goboleedyadii ay ka rajo dhigeen hoggaaminta dowladda dhexe waxayna si is-xilqaan ah u bilaaween jawi looga arrinsanayo marxaladda kala-guurka

2- Golaha shacabka oo dul sabeynayo xaaladda cakiran ee dalka ku jiro, iyadoo aysan muuqan doorkii baarlamanka ay ku lahaan jireen marxaladda kala guurka, taas bedelkeed Madaxtooyada ayay madaxooda u dhiibteen

3- xukuumadda oo aan mowqifkeeda muuqan kana dhex kaluumeysaneyso hardanka ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo DXDF. iyadoo humaag weyn uu ku jiro damaca Ra’iisul Wasaaraha.

Xaalada guud ee cakirnaanta siyaasadda ee hada dalka ku jiro, waxaa ugu weyn Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo aan isku aragti u wajahin marxalada kala guurka iyo inay wadajir u hoggaamiyaan, sida Madaxweynayaashii iyo Ra’iisul Wasaarayaashi hore ay sameeyeen oo ahaa kuwo si wadajir u maareeyay marxaladaha kala guurka ee uu dalku soo maray sanadihii 2012 iyo 2016, inkastoo ay Musharaxiin noqdeen, midkoodna aan la dooran.

Doorka Beesha Caalamka ayaa ahaa labadii marxaladood ee laga soo gudbay sanadihii 2012 iyo 2016, wuxuu ahaa door mideysan, oo ka shaqeynayay in la ilaaliyo midnimada Soomaalida, doorashada ku dhacdo waqtigeeda iyo wixii lagu heshiiyay, laakiin sanadka 2020 ayaa waxaa muuqata in beesha caalamka is khilaafsan tahay, iyadoo ay jiraan kuwo kula socdo Madaxweyne Farmaajo muddo kororsiga, isla markaana sabab ka dhiganaya in la gaaray xilligii Soomaaliya laga sameyn lahaa doorasho qof iyo qof, sida Guddiga doorashooyinka Qaran soo jeediyay, halka kuwo kale ay u arkaan in waqti badan soo lumay ayna tahay doorashada in waqtigeeda lagu qabto, si aanu dalka qalalaaso uga dhicin, sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Xisbiyada siyaasadda ay sheegeen.

By C/casiis Golfyare