Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka General Odowaa oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa ka badbaaday qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday isagoo marayay inta u dhaxeysa isgooska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooga.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa ayaa isku qarxiyay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha iyadoo weerarkaasna la sheegay inuu ka badbaaday taliye Odowaa.

Hase yeeshee qaraxan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada u ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa.

Sidoo kale waxaa qaraxan waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo marayay meel ku dhow halka weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay.