Maxkamada gobolka Banaadir oo markale dib u celisay dhagaysiga dacwada weriye Gurbiye

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta dib loo dhigey dhagaysiga kiiska dacwada Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Goobjoog.

Maxkamadda ayaa sheegtay inaysan guda geli karin kiiskan, illaa laga soo cadeeyo cidda soo eedeysay weriyaha oo hore loo xirey balse damiin lagu sii daayay.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay guda geli karto kiiskan, iyadoo dalbatay in la waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Waxaana garsooraha maxkamaddu uu su’aal yaab leh ka keenay kiiska Weriye Gurbiye, isagoo fadhigii maanta ka shaaciyey in aysan weli cadeyn cida soo eedeysay Weriyaha oo horay loo xiray, haatana damiin ku jooga banaanka.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xeer ilaalinta ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo cadeyso cidda soo eedeysay ee dacwada u qabta weriyaha.

Go’aanka ay qaadatay maxkamadda ee ay dib ugu celisay xeer ilaalinta kiiskaasi ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaar ka mid ah ururada saxaafadda Soomaaliya.