Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la leh Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ku sugan

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb kulan gaar ah kula leh Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland, inkastoo Madaxweynaha Puntland uu maanta dib ugu laabtay Garowe, iyadoo galabta isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ay kulan gaar ah yeesheen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulamo gaar gaar ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo Madaxda dowlad goboleedyada, ka hor shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee todobaadka soo socda ka furmi doona.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha ku dhex mara, kaddib shirkoodii Sabtidii ee ay ka soo saareen war murtiyeedka ay ku casuumeen Madaxda DFS inay ka soo qeyb galaan shirkooda.

Sidoo kale RW Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si fool ka fool ah isku soo hor fariisan doona, tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirada XFS ay sharci darro k dhigeen dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa looga arrinsan doonaa arrimaha doorashooyinka oo muran badan uu ka taagan yahay, iyadoo war murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Wadatashiga ee Dowlad goboleedka lagu sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod.