Ra’iisul Wasaare Kheyre oo saacadaha soo socda ku soo fool leh Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku soo fool leh magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug, kaddib markii uu aqbalay martiqaadkii Madaxda dowlad Goboleedyada.

Koox horudhac u ah Ra’iisul Wasaaraha oo isugu jira Ilaaladiisa, Howl-wadeeno ka tirsan Xafiiskiisa ayaa soo gaaray Dhuusamareeb, si ay u diyaariyaan imaanshihiisa iyo sugida amnigiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay martiqaadka Madaxda dowlad goboleedyada uga yimid, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu markii hore uu diyaar u ahaa inuu Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu Dhuusamareeb yimaado waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda dowlad goboleedyada ka hor inta aanu furmin Shirka Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna la filayaa in maalmo kaddib uu soo gaaro Dhuusamareeb

Wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo, kaddib markii War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda dowlad Goboleedyada lagu sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod oo waqtigeeda ku dhacda, sidaas darteedna tubta farsamo ee qabsoomida doorashada dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaana ku dhici karta muddo xileedka harsan.