Aas wadajir ah oo loogu sameynayo magaalada Garowe Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi

Allaha u wada naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Dowladii KMG ahayd ee Carta lagu soo dhisay Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday Turkiga iyo Maxamed Cabdi Xaashi Madaxweyne ku xigeenkii 1-aad ee Puntland ahna Madaxweynihii 2-aad ee soo maray Maamulkaas oo ku geeriyooday Kenya ayaa lagu wadaa in aas wadajir ah loogu sameeyo magaalada Garowe ee caasimada maamul goboleedka Garowe.

Mas’uuliyiin ka qeybgalaysa aaska ayaa maanta ka baxaya magaalada Muqdisho kuwaasoo isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay magaalada Dhuusamareeb ka ambabaxaan madaxda maamul goboleedyada dalka si ay ugaga qeybgalaan aaska labada marxuum.

Magaalada Garowe ayaa waxaa shalay gaaray madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Deni oo hore ugu sugnaa magaalada Dhuusamareeb oo uu ugaga qeybgalay shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu qabtay Dhuusamareeb.