Meydka Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo lagu aasay magaalada Garowe

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamul goboleedka Puntland lagu aasay meydka Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan ay kamd yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka, qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka,ehelada marxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxdii kala duwanaa ee ka hadashay aaska Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa u tacsiyeeyay eheladii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Puntaland, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nabadoon wax badan usoo qabtay reer Puntland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in lagu aaso magaalada Garowe meydka Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.