Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaada Janaasada Marxuum Xasan Abshir

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda federalka ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay tukashada salaada Janaasada meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qayb galay salaada Janaasada oo marxuunka lagula tukaday magaalada Muqdisho ka dibna waxaa loo qaadi doonaa Magaaladda Garowe.

Sidoo kale waxaa salaada Janaasada ka qeyb galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Allaha u naxarisitee meydka Marxuum Xasan Abshir Faarax oo maanta oo khasmiis ah maydkiisa laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne-yaasha Dowlad-goboleedyada dalka ayaa lagu waddaa inay ka qeybgalaan aaska marxuumka.