Madaxweynaha Jubbaland oo kula kulmay Garowe Wasiiro ka tirsan Dowlada Federalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Garowe kula kulmay qaar ka mid ah wasiiradii ka tirsanaa dowlada federalka ee ka qeybgalay aaska marxuum Xasan Abshir Faarax.

Wasiirada uu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Axmed Madoobe iyo Wasiirada Dastuurka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxana ay ka wadahadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Jubbaland.

Warar ay heshay jowhar.com ayaa sheegaya in kulankan uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo lagu wado in kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb.

Hase yeeshee, qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay.