Faahfaahin ka soo baxaysa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Hal ruux ayaa ku geeriyooday saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino uu ka dhacay meel ku dhow isgoyska Taleex degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari uu lahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga Cabdinaasir Siciid ayaan saarneyn gaarigiisa xilligii uu dhacayay qaraxa hase yeeshee waxaa ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Ilyaas Cabdikariin.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo qaraxana uu dhacay goob mashquul badan oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Qaraxyada miinooyinka dhulka lagu aaso ka dhasha ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa weerar ismiidaamin ah waxaa lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage isagoo taliyaha uu ka badbaaday.