Guddiga Qaban qaabada Dhismaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo tababar loo qabtay

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa tababar loogu qabtay Guddiga qaban qaabada dhismaha Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Tababarkan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa Guddiga qaban qaabada lagu siin doonaa Casharo ku aadan qaabka ugu wanaagsan ee loo soo Xulo Golaha Deegaanka, iyadoo la qancinayo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Hey’addaha kala ah CRD, FCA iyo Eisa ayaa iska kaashaday tababarkan qabsoomidiisa.

Cabdi shiiq doon Nageeye oo ku hadlayey afka Hey’adahan, kana mid ah mas’uuliyiinta ugu saraysa hey’adda CRD ayaa dardaaran qoto dheer u jeediyey gudiga qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo.