Jubbaland oo ka hadashay Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay kulankii dhex maray Madaxweynaha dowlada federalka Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Kulankan ayaa bilowgiisa hore waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha caqabada ku ahaa qabsoomida kulanka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana la sheegay inay kulamada sii socon doonaan.