Maamulka Degmada Warta-nabadda oo ka hadlay weerar lagu qaaday guri Mingiska lagu tumo

Maamulka degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay nin hubeysan oo rasaas ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaal degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seyban Xaabseey oo tagtay guriga dhacdada ay ka dhacday ayaa sheegtay in nin hubeysan oo aan la garaneyn wuxuu yahay rasaas uu ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaalo xaafadda Waaxda koowaad Janaraal daa’uud ee degmada War-ta nabada,halkaasina ku dhibaateeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“ Dadkaas 8-Qof baa dhaawac ah iyo Qof dhimasho ah, baaris ayaa socota, annaga kan maamul ahaan iyo Boolis waxaan la wareegnay gurigii mashaqada ay ka dhacday, dadkii dhibaatada gaartayna waxaan geynayo cisbitaalo, ayay tiri guddoomiye Seynab Xaabseey.

Lama oga sababta uu ninkan hubeysan arrintaan u sameeyay,balse waxaa dhacdadaan baaritaan ku haya ciidanka Booliska.

Dhinaca kale Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray nin hubeysan oo dad shacab ah ku rasaaseeyay degmada Warta nabadda ee gobolka Banaadir.

19/July/2020, abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan labiska Ciidanka, ayaa rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15May oo ku taala agagaarka iskoolka 15May ee Degmada Wartanabada.

Booliska ayaa sheegay in shaqsiga ka dambeeyay falkan lagu magacaabo Cabdikariim Dheere oo hore uga mid ahaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in weerarkan uu ku dhintey nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Saleymaan Maxamed Mahdi.

Waxana ay Boolisku intaa ku dareen in baaritaan lagu sameynayo falka isla markaana lagu raad joogo shaqsigii ka dambeeyay.