Nin hubeysan oo 1 ruux ku diley 9 kalana ku dhaawacay magaalada Muqdisho

Nin hubeysan ayaa labo ruux ku diley sagaal kalana ku dhaawacay degmada Warta Nabadda magaalada Muqdisho.

Qofka dilka geystey ayaa rasaas ku furay dad la sheegay inay ku sugnaayeen guri mingiska lagu tumo iyadoo dadka waxyeeladu soo gaartay ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka dilka geystay oo ka baxsaday goobta uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda halka warar kale ay sheegayaan inuu ahaa qof rayid ah.

Falka rasaas lagu furo goob ay dad badan ku sugan yihiin ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho waxaana todddobaadkii la soo dhaafay nin hubeysan uu rasaas ku furay guri ku yaal duleedka koofureed ee caasimada dalka halkaa oo shan ruux ay ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.