Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay badbaadinta dad uu ku soo dumay dhisme 3 dabaq ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay gaaray halka uu ku soo dumay guri ka kooban saddex dabaq degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Shaqaalaha Gurmadka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay gurigan qadiimi ah iyadoo dadkaasi ay lix ka mid ah uu soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale waxaa halkaas tegey Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gurmad xoog leh ayaa loo sameeyay dadkii uu ku soo dumay guriga saddexda dabaq ahaa waxaana ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay in dhismahaasi uu soo dumo.