Hormuud Salaam Foundation oo gar-gaar u qeybisay dad danyar ah

Illaa 10 kun oo qoys oo danyar ah ayaa ka faai’deestay deeq hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay gaarsiisay qoysas barakacayaal ah oo ku nool degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Qoysaskan ayaa waxaa saameeyn kuyeeshay roobab maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada muqdisho ee caasimada dalka Somaliya.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka duulaysa baahida barakacayaasha ayaa gaarsiisay deeqdan qoysaska danta yar iyadoo deeqdan ay kusoo aaday xili dadkaasi ay baahi weyn uqabeen.

Guddoomiye kuxigeenka Hayadda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi yaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay howlaha u gurmashada dadka tabaalaysan oo ay wado hormuud salaam foundation.

Goobta deeqda lagu qeybinayay ayaa dadkii kahadlay waxaa kamid ahayd Nuuro Cali Yare Maxamed.

Dakii ka faa’ideestay deeqdan ayaa kamahad celiyay gargaarka ay soo gaarsiisay hay’adda hormuud salaam foundation

Sidoo kale dadka ka faa’ideestay gargaarkan ayaa waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah qaxootiga Yamaniyiinta ee kunool kaamamka kuyaala degmada kaxda .

Hay’adda Hormuud salaam foundation ayaa ah hayad u taagan u gargaarirda dadka danta yar ee ku tabaalaysan guud ahaan dalka.