Golaha Shacabka oo ansixiyay Waxkabadalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay cod u qaadeen wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Kulanka oo ahaa midkii 18-aa ee kalfadhiga 7-aad ee Golaha ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa ka qeyb galay 142 Xildhibaan.

Dood dheer kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Sharciga Xisbiyada Siyaasadda, iyadoo ay oggolaadeen 137 xildhibaan, waxaa diiday 3 waxaana ka aamusay 2 mudane.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu ansax yahay.