Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka maanta

Kulanka ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka maanta ayaa lagu wadaa inay cod u qaadaan wax ka bedelka sharciga xisbiyada siyaasada dalka.

Xildhibaanada ayaa kulamadii u dambeeyay ka doodayay sharciga wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda dalka.

Wax ka bedelka sharciga xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa waxaa uu muhiim u yahay qabashada doorashada soo socota ee la filayo in qof iyo cod ah wax lagu doorto oo sida horay loo sheegay ay ka qeyb gelayaan doorashada axsaabta siyaasadaleed ee dalka, kuwooda soo maray diiwaan gelinta rasmiga ah.

Guddonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii habeen ee u dambeeyay xarunta golaha shacabka kulan kula qaatay guddiga arimaha gudaha ee golaha shacabka, waxayna kala hadleen wax ka bedelka sharciga xisbiyadda siyaasadda oo guddigan uu gacanta ku hayo, isla markaana akhrintii seddaxaad u gudbaya maanta.