Maraykanka oo duqeyn ku diley 7 ka mid ah kooxda Daacish

War ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay ku dileen duqeyn illaa 7 kamid ah kooxda Daacish meel u dhow deegaanka Timirshe, oo 140 km u jira magaalada Boosaaso.

Duqeyntan oo dhacday 21kii bishan ayuu Taliska Ciidamada Maraykanka Africom ku sheegay inaysan wax waxyeello ah ka soo gaarin dad rayid ah.

AFRICOM ayaa sheegay in markii duqeynta ay dhacaysay, ay ciidamada Mareykanka ku sugnaayeen aagga si ay talo iyo caawimaad u siiyaan ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno kooxaha argagixisada, islamarkaana aan saaxiibadeena Soomaaliya ka caawinno inay kala dhantaalaan howlgalladooda,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos, oo ah agaasime ku-xigeenka howlgallada AFRICOM.

“Waxaan sii wadeynaa taageeradeena si aan waxa la midka ah Daacish iyo Al-Shabaab uga ciribtirno Soomaaliya.”

Deegaanka Timirshe, gaar ahaan goob lagu magacaabo Ceelka Il waxaa ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana kadib xigay duqeynta ciidamada Mareykanka.