Xisbiga Wadajir oo soo dhaweeyay War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka Dhuusamareeb 2

Xisbiga Wadajir ayaa soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa loogu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.

Sidoo kale qoraalka Xisbiga Wadajir kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada inay dedejiyaan Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.