Xaflad Sagootin ah oo xalay loo sameeyay madaxdii ka qeybgashay shirkii Dhuusamareeb

Waxaa magaalada Dhuusamareeb xalay loogu sameeyay xaflad sagootin ah Madaxda ka qayb gashay shirkii wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowlada Goboleedyada oo habeen hore la soo gebagebeeyey.

Munaasabadan ayaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Ra’isul wasaaraha Somalia iyo dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, iyadoo uusan ka qeyb gelin madaxweynaha Somalia oo weli magaaladaas ku sugan.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo suugaan kale, waxaana khudbado ka jeediyey masuuliyiintii ka qeyb gashay qaarkood oo Galmudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay u marti gelisay shirka.

Madaxda ka qeybgashay shirka iyo weliba wufuudii kale ee la socotay ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay u ambabaxaan deegaanadii ay ka kala yimaadeen.