Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo gaaray magaalada Cadaado

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga ay horkacayaan labada Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa waxaa magaalada Cadaado ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Maamulka degmada Cadaado iyo dadweyne faro badan.

Madaxda labada maamul ayaa kula kulmi doona magaalada Cadaado qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu u sii gudbo magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland ayaa kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb oo ay kaga qeyb galeen shirarkii gaar gaarka ahaa ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.