Wararkii ugu dambeeyay ee muranka baarlamaanka iyo Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay in ay dhacday xukuumada

Guddoomiyaha baarlamaanka maxamed mursal cabdiraxmaan oo la hadlay saxaafada isagoo ku sugan xafiiskiisa ayuu sheegay in ay xukuumada ku fashilantay hannaanka ku gaarista doorasho qof iyo cod  ah iyo maqaamka caasimada,afti u qaadida meel marinta dastuurka,hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxa kale oo uu sheegay in dowladu ay awoodi weyday inay keento ciidamo hanta amniga.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in cod uu u qaaday kala noqoshada kalsoonida hadda jirta ee xasan cali kheyre. waa oggolaatay 170 waxaa diiday siddeed xildhibaan wax ka aamusay ma lahan.

Sidaa darteed waxa uu guddoomiyaha baarlamaanka ka codsaday Madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Hase yeeshee lama oga sida ay sharcci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshadan maadaama ajandaha kulanka maanta uu ahaa doodo laga yeesho doorashada dalka.