Al-Shabaab oo sheegatay dilka sarkaal lagu diley maanta magaalada Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo gelinkii dambe ee maanta kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen xaafada Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Col. Feyte dhegacadde ayaa ka mid ahaa ciidamadii laga soo wareejiyey ciidamada Nabad Sugidda ee lagu daray ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hase yeehee warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku tilmaantay Col. Feyte inuu ahaa taliyaha Booliska saldhiga Degmada Hodan, Balse warar madax ayaa sheegaya in Col. Feyte uusan taliye ka aheyn saldhiga Hodan balse uu ka mid ahaa saraakiisha ciidankaasi.

Raggii ka dambeeyay dilka sarkaalkan ayaa goobta ka baxsaday waana markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska lagu dilo magaalada Muqdisho maalmo kadib markii codka kalsoonida lagala laabtay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre.