Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, maalin kaddib markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Axmed Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Socdaalkiisa ayaa ah kii u horreeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug bishii Febraayo ee sanadkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarkiisa Muqdisho uu la xiriiro arrimo caafimaad, iyadoo lagu wado inuu Turkiga u ambabaxo dhowaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa la filayaa inuu Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku saabsan is bedelka siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay, gaar ahaan xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, wararka qaar ayaa sheegaya inuu kala hadli doono arrinta magacaabida Ra’iisul Wasaare cusub.