Qadkii Internetka oo dib ugu soo laabtay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Waxaa dib u soo laabtay gelinkii dambe ee maanta qadkii internetka ee ka maqnaa gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya kaasoo ka maqnaa muddo ku dhow labo cisho.

Isticmaalka Internetka oo muhiim u ahaa adeegyada xafiisyada, shirkadaha, bangiyada, xawilaadaha iyo xarumo badan oo hawlahooda shaqo ay ku tiirsaneyd adeegsiga internet-ka ayaa aad u soo dhoweeyay dib u helida adeegga Internetka.

Waxaa jirey walaac laga qabay in waqti dheer uu qaadanayo xalinta cillada ku timid Internetka oo lagu sheegay inay ahayd mid ka dhalatay fiber obtica mara badda gunteeda inuu go’ay.

Adeegga Internet-ka ayaa ka mid noqday nolosha caadiga ah ee dadweynaha, waxaana ku xiran shaqooyinka ganacsi, waxbarashada iyo kuwa hey’adaha, waxaana saameynta ugu badan uu ku yeeshay bulshada ku nool Caasimadda iyo gobolada dalka.

Internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo gobolada kale ayaa ku soo aaday, xilli xaalad siyaasadeed uu galay dalka, kaddib xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana dad badan durba isku xireen xil ka qaadistaas iyo Internet-ka ka go’ay Koofurta Soomaaliya.