Kulanka Baarlamaanka oo berri loogaga hadlayo Sharciga Burcad Badeeda

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah la horkeeno akhrinta kowaad ee Wax Ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka.

Golaha oo ku kulmaya xarunta ku meel gaarka barlamaanka Jamhuuriuadda federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa sidoo kale waxa ay ka doodi doonaan dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020.

Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.

Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba loo qoondeeyay mushaar dhan $200 bil waliba.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Baarlamaanku yeesho Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaan loogaga hadlin ajandihii hore loo qorsheeyay oo ku saabsanaa doorashooyinka waxaana kulankaasi uu guddoomiyaha baarlamaanka ka sheegay in kalsoonidii lagala noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre.