Saddex Tallaabo oo Farmaajo qaaday oo u ekaa Afgambi qorsheysan (Akhriso)

Afgambi qorsheysan oo ahaa mid xilka looga tuurayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si nabadgelyo ah ku dhacay habeenkii Sabtidii 25 bishii July 2020, kaddib markii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu kalsoonida kala laabtay Xukuumadda, kulan buuq iyo fowdo harreeyay oo lagu tilmaamay nidaamka loo maray inuu ahaa mid aan dastuurka iyo xeer hoosaadka waafaqsaneyn.

Tallaabooyinka ka dambeeyay markii Guddoomiye Maxamed Mursal ku dhawaaqay in Xukuumadda kalsoonida lagala laabtay oo 170 Xildhibaan ay u codeysay waxaa soo baxayay tallaabooyin  u muuqday kuwo qorsheysan, isla markaana is xig-xigay ayaa Madaxtooyada qaadeysay.

Saacadihii u horreeyay kaddib go’aankii Guddoomiye Mursal waxay xaaladu aheyd mid jahwareer ah, balse mar kaliya Madaxtooyada, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa arrinta howsheeda la wareegay.

Qoraali ku qornaa luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ah ee xil ka qaadista Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu faafiyay Barta Facebook iyo Twitter-ka Villa Somalia, waxaana ay hordhac u ahaayeen qorshaha xil ka tuurida sida afgambiga u ekaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Inkastoo Madaxtooyada ay cabsi weyn ka qabtay in Ra’iisul Wasaaruhu ka horyimaado xil ka qaadista oo dhibaato soo wajahdo, waxaana haddii arrintaas dhacdo loogu diyaar garoobay dhowr weji, sida Ciidan Milateri, Warbaahin iyo dhismo Xukuumad uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Tallaabooyinka is xiga ee Madaxweynuhu u qaaday xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee u ekaa qaab Inqilaab ama afgambi ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1- Aqbalaadii degdega aheyd ee uu ku taageeray go’aankii Guddoomiye Maxamed Mursal, kadibna soo saaray wareegto magacaabid Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed uga dhigay Kusime Ra’iisul Wasaare

2- Ciidamo dheeraad ah oo la dhigay dhammaan jidadka soo gala Madaxtooyada, iyo Ciidamo la wareegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, halka kuwii horay u joogay oo degdeg loo bedelay.

3- Kulamo degdeg ah oo loogu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada, lana faray in aanay wax amar ah oo Ra’iisul Wasaaraha uga yimaada fulin karin, xaaladana si dhow ula socdaan, Ciidamo si dhow ula socday dhaq dhaqaaqa Ra’iisul Wasaaraha min Garoonka Muqdisho illaa Hoygiisa.

Ugu dambeyn waxay xaaladu is bedeshay markii Ra’iisul wasaaraha uu khudbadiisii is-casilaadda soo dhigay Baraha bulshada, iyadoo xaaladii kacsaneyd ay meesha ka baxday, iyadoo tanaasul odaytinimo muujiyey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.