Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuled oo booqday Dekeda Xamar

Sii-hayaha Ra’isul wasaaraha Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ,wasiirka Dekedaha iyo gadiidka badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar-dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Sii-hayaha Ra’isulwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay u socoto shaqada waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ay u shaqeeyaan howl-wadeenada .

Dekeda Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay roobab dabaylo wata oo saddex habeen kahor ka da’ay xeebaha gobolka Banaadir.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebok ku sheegay in Dekeda Muqdisho ay tahay isha dhaqaalaha dalka.

Sii hayaha Ra’isul-wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Guuled ayaa sidoo kale shalay booqday xarunta wasaarada maaliyada halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu sareysa ee wasaarada Maaliyada.