Maalinta caalamiga ah ee cudurka Cagaarshowga (World hepatits Day) oo Muqdisho laga xusay

Xuska Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta caalamka laga xuso maanta oo kale 28-ka July ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Benaadir ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dr. Dufle iyo kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, iyadoo halku dhega caalamiga ah ee sanadkan 2020 uu yahay “Hepatitis-free Future”. oo la macno ah (Mustaqbalka iyo Ciribtirka Cagaarshow-ga)
Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dufle, aqoonyahano, arday iyo xubno ka socday qeybaha bulshada ayaa munaasabadan ka qeyb galay.
Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu faro ba’an ku hayo bulshooyinka caalamka, ayna sanad walba u dhintaan malaayiin qof oo intooda badan ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Koonfur bari aasiya iyo Latin Amerika, isagoo xusay in qorshuhu yahay cudurkan in laga ciribtiro aduunyada ugu dambeyn sanadka 2030-ka.

“Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida amusan wax u dila (Silent Killer)” ayuu yiri Dr Dufle oo intaa ku daray in cudurka cagaarshowga ay keenaan feyrusyo kala duwan oo sababa burbur iyo dhaawac ku yimaada unugyada beerka (Hepatitis), kuwaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus-yada A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV) ayuu sheegay Prof. Dufle inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan oo ruux, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, wuxuuna tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf mareen ah (Outbreak).

“Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso ee dad badan ay ku noolyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday calaamadaha cudurka iyo sida ugu haboon ee looga hortago, loona daweeyo.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dufle inuu aad ugu badan cudurkan ayna ka jiraan dhaqamo hore iyo dhibaatooyin kale oo gacan ka geysanaya in cudurka cagaarshowga uu maalin walba soo rito dad cusub, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan isticmaalka Cirbad lagu duray qof jiran, qalabka ama Sakiinta Gar-xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo, galmada lala sameeyo qof cudurka qaba, daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin cudurkana sii faafin kara sida uu yiri.

Prof. Dufle ayaa si hufan uga jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Benaadir iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo isna gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey Prof. Dufle iyo xubnihii soo qabanqaabiyey kulankan wacyi gelinta ah oo uu sheegay iney aheyd mid loo baahnaa maadaama buu yiri cudurkan uu dhibaato ku hayo dad badan oo Soomaaliyeed.

“Haddii aan nahay Jaamacada Benaadir waxay noo tahay joogto inaan qabano mar walba maalmaha caalamiga ah ee loo asteeyo cudurada kala duwan ee dadka ku dhaca ujeedooyinka laga leeyahayna waxa ka mid ah in bulshada lagu baraarujiyo, lagana wacyi geliyo cuduradaas sida looga hortago iyo sida loola xiriiri lahaa dhaqtarka” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dr. Biday ayaa intaas ku daray in warbixino horey loo saaray ay muujyeen in cagaarshowga iyo cudurada uu keeno ay dilaan sanad walba dad ka badan inta ay dilaan marka la isku daro cudurada HIV iyo malariyada, taasoo uu xusay iney muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay qatarta cudurkan, wuxuuna balan-qaaday in kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Banaadir ay dalka ka sameyn doonto cilmi baarisyo ku aadan xaalada cudurkan iyo sida bulshada wacyi gelin dhab ah looga siin lahaa.

“Qofku waaxyaha uu ku nool yahay labo labo ayuu ka heystaa sida kelyaha, sambabada, Indhaha, dhagaha iyo qaar kale, laakiin Beerka waa mid kaliya, la’aantiis lama noolaan karo, maxaa yeelay waa warshaddii kala saareysay waxaa jirkeenu u baahan yahay iyo qashinka sidaa awgeed waa in muhimad gaar ah la siiyaa la hortaga cudurada ku dhaca sida Cagaarshowga” ayuu yiri Dr. Biday oo uga mahad celiyey Prof. Dufle sida uu mar walba uga wacyi geliyo bulshada cudurada halista ah, isagoo ardayda Jaamacadda Benadir ee munaasabadaas soo xaadirayna ku booriyey iney ka faa’ideystaan casharada noocan ah ee ay bixiyaan dhaqaatiirta iyo aqoonyahada kale oo uu xusay iney wax badan ka kororsanayaan.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa intii ay socotay la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo ka turjumaya cudurkan Cagaarshowga iyo hababka ugu haboon ee looga hortegi karo faafidiisa, bulshadana looga wacyi gelin karo.