Ururada Bulshada oo ka horyimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka (Akhriso)

Ururrada Bulshada Rayidka ayaa ka soo horjeestay magacaabiddii Golaha Wasiirada xilka sii heysa ay Khamiistii ku ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in magacaabida xubnaha golaha adeegga garsoorka uu yahay mid aanan waafaqsaneyn sharciga.

“Bulshada Rayidka waxay ku baaqeysa in magacaabida Golaha adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka iyo Guddiyada kale loo dhaafo Xukuumadda soo socota, si magacaabitaankan caqabad ugu noqon hey’adahan iyo guud ahaan geeddi socodka dhisida dowladnimada”

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-