Guddoomiye kuxigeenkii degmada Wanlaweyn oo la diley

Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Degmadaas Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto caawa lagu diley weerar bambaano.

Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Inuu ku dhintay Gudoomiyaha Qaraxaasi oo lagu Weeraray Hoygiisii uu ka deganaa degmada Wanlaweyn oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi ku daraya iney jiraan dhaawacyo ka dhashay Qaraxaasi lala eegtay hoyga Gudoomiye Ku Xigeenkii Maamulka degmada oo hada ahaa Sii hayaha xilka gudoomiyaha degmada Wanlaweyn.

Wali war kama soo bixin Maamulka degmada Wanlaweyn iyo kan Gobalka Shabeelaha Hoose oo looga hadlayo Qaraxa ka dhacay degmadaasi oo khasaaraha dhaliyay.