Madasha Xisbiyada oo ku tilmaamay Xukuumadda hadda jirta “Xukuumad Xil-Gaarsiineed”

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga fal celinayaan go’aankii Xukuumadda xilka sii heysa ay ku ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana ay ku tilmaameen tallaabadaas mid aanay sharci aheyn.

Madasha ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay tallaabooyinka sharci darada ay ku dhaqaaqday Xukuumadda xil gaarsiinta oo ay ku magacabaeen Hey’addo dastuuri ah sida Guddiga adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda hadda jir ay tahay Xukuumad Xil-Gaarsiineed, isla markaana aanay laheyn awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah ay ku meel gaari karto Guddi dastuuri ah oo horay magacaabistiisii looga gaabiyay.

Madasha ayaa uga digtay Madaxweyne Farmaajo in uusan soo saarin warbixinta xubnahaas 5-ta ah ee ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka inta la waafajaniyo Dastuurka.

Halkan hoose ka akhriso:-