Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle Saalax Maxamed Xasan oo xilkaasi hayay muddo kooban.

Xilka ka qaadista wasiirka Tamarta iyo Biyaha Hirshabelle ayaa timid kadib markii dhowaan baraha bulshada lagu soo bandhigey codka Wasiirka xilka laga qaaday oo sheegay inuusan aqoonsanayn madaxweynaha Hirshabelle.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Hir-shabelle ayaa loo magacaabay Xildhibaan Shuceyb Cabdikariin oohore xilkaasi looga qaaday.

Sidoo kale isla wareegtadan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare waxaa wasiiru-dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-shabelle loogu magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow oo ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Wareegtadan ayaa lagu xusay in baahi loo qabey dar-dargalinta hawlaha adag ee hor-yaalla wasaaradahaas ay sabab u tahay is bedelkan cusub.