Muwaadiiniin Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Iran oo dalka dib loogu soo celiyay Soomaaliya

Dad Soomaali ah oo in muddo ah lagu haystay dalka Iran ayaa maanta dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya bilo kadib markii ay xoriyaddooda heleen.

Maxaabiistan ayaa waxaa laga qabtay xuduudda dalalka Iran iyo Turkiga, waxaana soo deyntooda gacan ka gaysatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka dib ugu soo celiso 11 Dhallinyaro ah oo muddo ku xayirnaa Waddanka Iiraan.

Dhallinyaradan oo isugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxay qaarkood ku jireen Xabsiyo ku yaalla Iiraan, halka kuwo kalena ay deggenaayeen goobo kale, sida uu sheegay Ambassador, Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo).

Ambassador Awliyo oo ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay inuu Iiraan kasoo galbiyo maxaabiistan ayaa sheegay in dhallinyaradan laga soo qabtay xilli ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ay xirnaayeen xilliyo kala duwan.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo la sii daayey lix bilood ka hor, ayaa waxaa inay dalka kusoo laabtaan caqabad ku noqday cudurka COVID-19 oo xayiray duulimaadyadii caalamiga ahaa.