Saciid Deni “R/Wasaaraha la soo magacaabayo waxaa laga rabaa muddo xileedka yar ee u dhiman inuu dalka doorasho geliyo”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaagi Deni ayaa xalay khudbad dhinacyo abdan taabaneysay ka jeediyay Munaasabadda xuska 22aad ee ka soo wareegatay aas aaska Dowlad Goboleedka Puntland 1-da Agosto iyadoo markii u horeysay Munaasabada lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayuu kaga hadlay khudbadihisa taariikhda ay soo martay Puntland laga soo bilaabo 1998 markii la aas aasay iyo horumarka dhinacyo badan ee la gaaray.

“Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii, Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Saciid Deni ayaa dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u dambeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay Xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan”ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana uu ugu baaqay inuu ka digtoonaado, dalkuna uu soo kabanayo, isla markaana aan lagu celin kala irdhow.

“Arrinta ku saabsan kheyraadka oo Batroolka iyadana yaa lagu kadsoomin caalamka waxaa u sheegayaa Hantida Soomaaliyeed oo heshiis ku aheyn cidii gadata ayadaa mas’uul ka ah, Puntland horay u sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la sheegayay cid kuma darsan, dowladda hada 3-da bilood u hartay shuruucdaas inay inay isku mashquuliyaan ma ahan xataa dowlad rasmi ah ama Ra’iisul wasaaraha soo magacaabaan, muddo xileedka yar ee u dhiman waxaa laga rabaa inay dalka doorasho geliyaan, wax kale inay waqti ku dhimaan lagama rabo, arrintaas waa farriin cad oo aan rabo inaan dowladda Federaalka u diro”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Mar uu ka hadlayay Shirka loo balansanaa ee Dhuusamareeb ayuu sheegay in loo baahan yahay in shirkaas la isku yimaado oo niyad sax ah lala yimaado, waxaana uu xusay in maalmo hore markii ay tagayeen ay wanaag la tageen, balse markaana dowladda Federaalka ay xisaabtan ula tagi doonaan, maadaama niyad wanaagii ay ayaga ku ciyaareen, sida ay ula dhaqmeen tii hore, isla markaana dalka si sax ah danihiisa looga shaqeynayo oo aan cid cid marti uga ah aanay jirin.

Halkan hoose ka daawo Khudbada Madaxweyne Deni:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay caawa lagu qabtay Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay caawa lagu qabtay Gaalkacyo.

Publiée par Puntland State House sur Samedi 1 août 2020