Xildhibaano sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii dalka loo badbaadin lahaa, una dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Xildhibaannadan oo gaarayay illaa 50 meeyo ayaa waxaa ku jiray Wasiiro ka tirsan Xukuumaddii dhacday, waxaana ay sheegeen in ugu horeyn ka shaqeynayaan Midnimada Baarlamaanka.

Maxamuud Axmed Ciise (Runsheeg) ayaa oo akhriyay warka ka soo baxay Xildhibaannada ayaa sheegay in ay isugu yimaadeen inay samata bixiyaan dalka kana shaqeeyaan doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay mideeyaan.

Waxaa uu sheegay inay doonayaan inay dalka ka badbaadiyaan khatar ay sheegeen inay dalka kusoo fool leedahay, sidoo kalena shirarka ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo doorashooyinka ay sii wadi doonaan.

Ololaha ay bilaabeen Xildhibaannada ayaa u muuqda mid ku dhex qarsoon muddo kororsi, iyadoo dad badan is weydiinayaan sida xilligan doorasho qof iyo cod ku suura geli karto marka loo eego waqtiga u haray Dowladda Federaalka, sidoo kalena aan loo diyaar garoobin jawigii doorashada ku dhici laheyd sida amniga dalka oo aan weli gacanta ugu jirin dowladda iyo tirakoob dadka oo aan la sameyn.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa horay u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo muddo kororsi, isla markaana waddo kasta uu u marayo inuu helo muddo kororsi labo sano ah.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waqtiga uga eg yahay 27 bisha November sanadkan 2020.